Xildhibaan Mahad Salaad oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa munaafad ku tilmaamay khudbadii Farmaajo ee xalay, waxaana uu ku baaqay inaan heeganka laga bixin inta Wadanka laga saarayo Farmaajo.
Hoos ka Akhriso qoraalka Mahad Salaad.
Ismoogaysiis iyo ila meerayso ayay ahayd khudbadii Farmaajo xalay jeediyay. Kumana soo hadalqaadin dhibaatada ka taagan magaalada Muqdisho iyo qalalaasaha siyaasadeed iyo midka amni uu dalka geliyay. Tusaale:
- Sooma hadalqaadin ku darsigii xaaraanta ahaa iyo xukun boobkii uu ku kacay 12-kii bishan Abriil 2021.
- Kama garaabin, umana tacsiyeen shacabkii dhiigooda uu daadiyay, guryahoodana ka barakiciyay iyadoo bil Ramadaan lagu jiro.
- Wuxuu iska indhotiray fidnada uu ka dhex abuuray ciidamada qalabka, isagoo kala qaybiyay kadibna qoryo isugu dhiibay. Mana jiro maanta askari askari kale aaminaya iyo sarkaal laga amar qaadanayo, qof walibana wuxuu miciin bidday qorigiisa iyo qabiilkiisa.
- Sidoo kale ma sheegin sida xal loogu heli karo ismariwaaga siyaasadeed ee maanta taagan, kumana baaqin wadatashi iyo dib-u-heshiisiin siyaasadeed oo dalka lagu samatabixinayo.
- Isku soo wada duuboo ujeedka Farmaajo wuxuu ahaa ii dheh siyaasadeed uu waqti ku iibsanayo si uu diyaar garoobo isla markaasna isaga yareeyo caadiska ciidan ee dulsaaran iyo goodiska beesha caalamka ku hayso.
Ugu dambeyntii waxaan ku baaqayaa inaan heeganka laga bixin inta ninkaan jid iyo jiho diidka ah dalka iyo dadka laga badbaadinayo. Lagana hubiynayo in dalku doorasho aaday.
Hon. Mahad Salad
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.