Mala oran karaa Turkigu,waa ku fashilmay dhexdhexaadintii Itoobiya iyo Somaliya

Dowladda Turkiga ayaa bilaabeysa qorshe cusub oo ay ku wajaheyso wada-hadallada Soomaaliya iyo Itoobiya, si xal loogu helo Khilaafka Itoobiya iyo Somalia .

Turkiga ayaa qorsheynaya inuu si kala gaar ah ula kulmo madaxda Soomaalida iyo Itoobiya, kadib markii ay fashilmeen wareeggii 3-aad ee wada-hadallada labada dal oo qorshuhu ahaa in Talaadaddii lasoo dhafay ay ka furmaan magaalada Ankara ee dalka Turkiga.

Wasiirka arrimaha dibedda Turkiga Hakan Fidan oo la hadlay wakaaladda wararka dowladda ee Anadolu ayaa xaqiijiyay qorshahaan, isaggoo sheegay in Turkiga uu dadaal ku bixinayo sidii uu labada dhinac isugu soo jiidi lahaa, kahor inta aan dhinacyada la isugu keenin si fool ka fool ah.

Wasiirka ayaa sidoo kale markaas muujiyay rejo wanaag in dhinacyada ay xal gaaran, wuxuuna hoosta ka xariiqay inay casharo ka barteen labadii wareeg ee hore ee wada-hadallada, taasna ay dhabaha u xaari doonto xal u helista xiisadda taagan.

Wasiir Hakan Fidan oo arintan Ka hadlaya wuxuu yiri sidan .

“Intii aan isla dhinacyadii halkan u keeni lahayn wada-hadallo toos ah, kolayba si toos ah uma kulmi lahayn oo anaga ayey nala kulmi lahaayeen .

Ujeedku waa in aanu la sameyno xiriir mid mid ah, si ay isula meel-dhigaan mowqifyada, kadibna isu keenno dhinacyada marka ay mowqifyadooda meel isugu yimaadaan,”

 

Wariye”-Cabdirisaaq Juba,ayaa diyaariyay


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading