Faallo:-Deni waa damiin Siyaasadeed oo nasiib badan

Madaxweyne Deni markii dib loo doortay,waxa uu ballan qaaday Laba arimood oo kala ahaa…

1.In uu Albaabadiisa furayo oo Dadka la tashanayo,isku wadayo Bulshada qaybaheeda oo dib uheshiisiin samaynayo.

2.In uu BC xiriir fiican la samaynayo.

Labadiiba waa ka gaabiyay mana fulin ballanqaadyadiisii,wuxuuna dib ugu laabtay Denigii hore ee Albaabadu uxirnaayeen.

Tusaale gudaha PL?

Shacabkii oo taageero u ah,ayuu hanan waayay,kadib iskoobitaan iyo in uu xulan waayay masuuliyiin Indhahooda buuxiya.

Haldoorkii Bulshada oo mid taageersan iyo mid diidan iskugu jira,waxay go’aansadeen in ay ka gaabsadaan oo fursad siiyaan si Dalka iyo dadka wax ugu hagaagaan,waase ka faa’idaysan waayay.

PSF garabka Ilmo Diyaano,waxaa laga galay heshiis Qardho ka dhacay oo ahaa in PSF dib loo mideeyo si buuxdana loogu dhiibo Maxamuud Diyaano.

Heshiiskaas dhanka Deni,ayuu ka fuli waayay,waxaana niyad jab ku dhacay haldoorkii qaybta ka ahaa in la gaaro iyo bulshadii PL.

Fulin la’aanta heshiiskaas,waxay sababtay in PL iyo wada shaqayntii Maraykanka si weyn hoos ugu dhacdo.

Deni marka laga soo tago reer PL kale,Tolkiissa hoose ayay heshiinwaayeeen oo weli waa ka baqayaa.

Haatan,waxa uu leeyahay Asad iyo Gaas,ayaa i inqilaabaya oo Xamar iyo Xasan ayay la siyaasad yihiin,taasoo cadayn u ah hogaan xumidiisa.

Tusaale xiriirka BC?

Deni,waa ku liitaa, xiriirka BC,waxa uuna fursad u abuurayaa Xamar iyo DFS ee sharciyada lumisay.

Ku qalafsanaantiisa BC,waxa ugu yar ee ay keentay,waa in Visa-hii America ee Deni ay u dalabtay Ilhaan Cumar la meer meeriyay oo Mareykanku ilaa hada u diidan yahay in uu Dalkiisa u ogolaado.

Dad badan oo kala duwan,ayaa ku doodaya in Denii uusan hogaamiye noqon karin si kasta oo loo ilaaliyo,waxay doodahooda ku salaynayaan in uu yahay Nin iska Ciil qaba.

“Puntland qaab Shirkad ah oo Xasan Deni ka yahay RW iyo reer Deni iyo 5 sano oo Qoys sidii loo maamulo lagama sii gaabsan karo ayay qabaan Dad badan oo haldoor reer PL ah”.

Cabashada ugu weyn,waxay ka imaanaysaa Wasiiradiisa iyo Lataliyayaashiisa oo qaba dareenkan.

Deni,waa isaga Ninka fogaynaya Siyaasiyiinta reer PL iyo haldoorka oo luminayana fursadaha qurxoon ee horyaala.

Nin la jooga mahaysan karo midka maqana ma kasban karo,waa calaamadaha ilaa haatan ka muuqda oo aan la inkiri karin si walba oo loogu ilaaliyo maqaamka PL ee uu hogaaminayo.

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading