Maleeshiyaadka SNM Oo Laga Soo Raray Hawdka Sool

Qaybtii ugu danbaysay maleeshiyaadka SNM ee ku sugnayd deegaanada koonfurta Gobolka Sool,ayaa laga soo raray deegaanadaasi laguna xoojiyay maleeshiyaadka beesha Isaaq SNM ee Tukaraq ay isku hor fadhiyaan Ciidamada Puntland.
 
Maleeshiyaadka SNM-ta ayaa la iskugu geeyay goobo ay difaac ka gali karaan,waxayna isbaarooyin cusub dhigteen gooobo hor leh oo ku yaal Wadooyinka ka soo baxa Deegaamada laamiga laga soo fuulo ee Gobolka Sool.
 
Cabsida xoogan ee soo wajahday maleeshiyaadka SNM-ta,ayaa siyaaday kadib markii ay arkeen abaabulka xoogan ee shacabka iyo xukuumada Puntland.
 
Waa markii ugu horeysay oo la arko abaabul noocan oo kale ah oo looga soo horjeedo maleeshiyaadka SNM-ta tan iyo markii ay la wareegeen magaalada laascaanood waxaana guud ahaan Puntland ka socda abaabul iyo hub urursi xoog badan.

Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading