Maleeshiyadii beesha Samaroon ay iskaga baxday dagaalka Jeegaanta Ee Sool

Xog hoose oo warbaahinta idil News ay ka helayso deegaanka Tukaraq, Gooja-cadde iyo Laascaanood ayaa sheegaya in Maleeshiyaadkii ugu badnaa ee katirsanaa maleeshiyo beeleedka Jeegaanta keentay Tukaraq ay baneeyeen goobihii ay ku sugnaayeen.
 
Wararka laga helayo magaalada Laascaanood iyo taliska Maleeshiyada Jeegaanta ee Gooja-cadde ayaa sheegaya in maleeshiyaadkii ugu badnaa ee beesha Sama-roon ay ka bexeen duleedka deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, kadib markii ay gedood ka sameeyeen hub iyo rasaas loo qaybinayey ciidamada ku sugan aaggaasi.
 
Taliska Maleeshiyada Beesha Sama-roon ayaa u gudbiyey Taliska guud ee Maleeshiyada Jeegaanta in dhankoodu dagaalkii ugu danbeeyey ee Tukaraq uu kasoo gaarey khasaare baaxad weyn, islamarkaana looga baxay qaar kamid ah goobihii dagaalka.
Wararku waxay intaa ku darayaan in goobihii ay ka baxeen Maleeshiyada beesha Samaroon lagu buuxiyay Maleeshiyada Beesha Jaamac Siyaad ee uu horjoogaha u yahay Ina Canbaashe.
 
Maleeshiyada Jeegaanta iyo taliskooda,ayaa wajahaya marxaladii ugu adkeyd,.
 
Talyaha Maleeshiyada Jeegaanta ayaa xalay ka sheegay Taliska Maleeshiyaadkiisa ee GOOJA-CADDE in waxa socdaa ay yihiin duufaano halis ah, loona baahan yahay maleeshiyad tiro badan oo ka hortaga weerarka culus oo uu sheegay in uu Puntland uga soo wajahan yahay.
 
Ciidanka difaaca Puntland oo si weyn u diyaarsan,ayaa maalmaha soo socda la filayaa in ay ku dhaqaaqaan gulufkii ugu danbeeyay oo ay ku xoraynayaan xarunta Gobolka Sool ee Laascaanood.

Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading