Dhagar qabe Cabdisataar Axmed Xasan ayaa lagu soo oogay Dacwad ka dhan ah in uu agab iyo dhaqaale ku tageeray Kooxda aragagxisadda ah ee Daacish.
Sida lagu sheegay dacwadda ciqaabta ah, bishii Diseembar 2024-tii, Xasan wuxuu isku dayay labo jeer inuu ka safro Minasoota uuna tago dalka Soomaaliya si uu ugu biiro ugana dhinac dagaalamo maleeshiyaadka Daacish, balse iskuday laba jeer ahi kuma guuleysan. Xasan wuxuu isku dayay inuu qariyo ujeeddada safarkiisa isagoo sheeganaya inuu booqanayo qaraabadiisa, inkastoo uusan wax qaraabo ah ku lahayn Soomaaliya. Wuxuu watay shahaadadiisa dhalashada, shahaadada jinsiyadda, iyo shahaadada dugsiga sare.
Baaritaanka FBI-du wuxuu muujiyey in Hassan si furan uga taageeray ISIS baraha bulshada, isagoo daabacay farriimo badan. Sidoo kale, wuxuu la xiriiray akoon Facebook ah oo la yiraahdo Manjaniq Media Center, kaasoo dhiirrigeliya dad inay u safraan ISIS kuna sheegaya inay yihiin warbaahinta Khilaafada Islaamka.
Baaritaanku wuxuu sidoo kale muujiyay in Xasan uu amaanay Shamsud-Din Jabbar, oo ahaa dambiilihii fuliyay weerarkii argagixisadda ee ka dhacay New Orleans, Louisiana, 1-dii Janaayo 2025.
21-kii Bishii Febraayo, Xasan wuxuu soo dhigay muuqaal isaga oo gaari wata, gacantana ku haysta calanka madoow oo yar kaas oo ah borobagaandada Daacish ku faafiso. Sidoo kale, wuxuu soo dhigay muuqaal kale isaga oo gaari wada oo mindi ku haysta jilbihiisa.
26-kii Bishii Febraayo 2025, FBI-da ayaa aragtay Xasan oo mar kale gaari wada isagoo calanka Daacish gacanta ku haya.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.