Maraykanka iyo Israa’iil oo ku kala fikrad duwan Dagaalka kadib cidda maamulaysa Qasa

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa diiday fikradda ah in Qasa ay noqoto magaalo ay maamulkeeda yeeshaan Falastiiniyiintu marka uu dhammaado dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas, mowqifkaas oo ah mid khilaafsan kan Madaxweynaya Mareykanka Joe Biden.

“Waa inay jiraan wax intaas ka badan,” Netanyahu ayaa ku yiri shir jaraa’id Sabtidii isagoo ka jawaabaya su’aal ku saabsan in maamulka Falastiin, oo qayb ahaan gacanta ku haya Daanta Galbeed ee la haysto, uu maamuli karo Gaza dagaalka kadib.

“Ma jiri doonto maamul rayid ah oo caruurtooda bara naceybka Israel, laadayaan Israa’iiliyiinta iyo baabi’inta Dawladda Israa’iil.” ayuu yiri Netanyahu.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa Arbacadii dajiyay shuruudo lagu dhisayo dowlad kadib dagaalka.

“Waa inay ka jirtaa dawlad ay Falastiiniyiintu hoggaamiso oo ka jirta marinka Gaza iyo Daanta Galbeed oo mideysan,” ayuu yiri Blinken.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading