Maraykanka iyo Israa’iil oo weli ku kala duwan jawaabta laga bixinayo weerarkii Iran

Israel way dhagesaneysaa Mareykanka balse go’aanka ugu dambeeya waxa uu ku saleysan yahay danaha qarankeena sida xafiiska raysalwasaaraha Israel ay sheegeen.

Weli waxaa la isla dhexmarayaa jawaabta ay Israel ka bixineyso weerarkii Iran. Hadal kooban oo ka jawaabaya warbixinta Washington Post ayuu xafiiska soo saaray.

Waxaa lagu sheegay jawaabta in Benjamin Netanyahu uu u sheegay Mareykanka in ay diyaar u yihiin in ay beegsadaan bartilaameedyo militeri oo ku yaal Iran halkii ay ka duqeyn lahaayeen xarumaha nukliyeerka iyo kuwa shidaalka.

Warbixinta Washington Post waxaa lagu sheegay in Netanyahu uu hadalkaas ka sheegay mar ay taleefoonka ku xiriireen isaga iyo madaxweyne Joe Biden Arbacadii la soo dhaafay mar ay ka hadleen weerarka ay Israel qaadi doonto.

Iran waxay Israa’iil ku riday 200 oo Gantaal kowdii Oktoobar, sida Israa’iil sheegtay inta badan Gantaalada waa laga hortagay.

Dhinca kale, Pentagonka Mareykanka,ayaa sheegay in koox horudhac ah oo ka tirsan Militeriga iyo qalabka loo baahan yahay si ay u shaqeeyeen Batariyada Gantaalada difaaca Cirka ay bilaabeen in ay gaaraan Israel.

Qalabkaas,ayaa loogu talogalay in ay ka hortaagaan gantaalada qaaradaha isaga gudubo. Dadka ka faalooda arrimahan ayaa sheegay in la doonayo in ay diyaar noqodaan ka hor inta Israel aysan weerin Iran.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading