Maraykanka iyo Kenya oo kala saxiixday heshiis iskaashi Milleteri ah oo balaaran

Xoghayaha Difaaca ee Dalka Maraykanka Lloyd Austin iyo Wasiirka Difaaca ee Kenya Aadan Barre Ducaale,ayaa qalinka ku duugay heshiis soconaya muddo Shan Sannadood ah.

Xoghaye Austin,ayaa sheegay in Maraykanku uga mahadcelinayo Kenya, hoggaaminteeda ku aaddan xallinta duruufaha amniga ee Gobolka iyo weliba kuwa caalamka.

Sidoo kale,waxuu Kenya uga mahadnaqay doorka hoggaamineed ee ku aaddan Ciidamada caalamiga ah ee isku dhafka ah ee la doonayo in ay dib u soo celiyaan xasiloonida Haiti.

Austin,ayaa toddobaadkii hore, isaga oo ka qayb gelaya kulan doceed ka dhacay New York, intii uu socday Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, wuxuu ku sheegay in ay kala shaqaynayaan Congresska Maraykanka, sidii loo ansixin lahaa Lacag gaaraysa illaa $100-Milyan oo lagu bixiyo hawlgalka Haiti.

Austin oo ka hadlayey arrimaha Gobolka,ayaa soo hadal qaaday Ururka al-Shabaab,isaga oo sheegay in Dowladda Maraykanku ay si gun-dheer ay u qiimaynayso iskaashiga kala dhexeeya Kenya ee ku aaddan la dagaalanka kooxda al-Shabaab.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading