Maraykanka iyo PL oo Qodobo muhiim ah ku heshiiyay

Puntland iyo Maraykanku si hoose ayay uwada hadleen,waxayna Labada dhinac isku heleen wakhti fiican.

Kulankii Maalinlaha,waxaa xigay Casho dhawr Saac lawada joogay oo la sheekaystay,waxaana kasoo qaybgalay dhamaan qaybaha Safaarada Maraykanka….

1.Qaybta Siyaasada.
2.Qaybta Amaanka.
3.Qaybta Wardoonka.

Maraykanku,waxa uu ballanqaaday in uu si dhow ula Shaqaynayo PL kana garabsiinayo la dagaallanka argagixisada oo hay’adaha amaanka taageerayo.

Si gaar ah hawlgalka qorshaysan ee la dagaalanka Daacish,waxa uu Maraykanku xaqiijiyay in uu qayb ka noqonayo.

Mudo isfahan yari ka dhex jirtay PL iyo Maraykanka ugu danbayn,waxaa la gaaray isfahan buuxa iyo isku soo dhawaansho weyn.

La fariisiga Maraykanku la fariistay PL,wuxuu tilmaan siinayaa dhamaan Dowladaha daneeya Somaliya.

Kulankaas PL waxa uu ahaa (Fursad Diblomaasi oo Dahabiya).

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading