Maraykanka iyo PL oo si weyn iska kaashanaya dagaalka argagixisada

Taliska Afrcom oo imaanaya Bosaso,waxay Xarun ku meelgaar ah ka heli doonaan Garoonka Diyaaradaha Bosaso.

Xaruntaas,waxay ka hagi doonaan Duqaymaha iyo la socodka awooda Argagixisada Labada Buurood.

Taliska Africom Qaybta ka hawlgalaysa Garoonka Bosaso,waa Ciidan gaar ah loo agaasimay weerarada Argagixisada.

Ciidankaas,waxa uu ku hubaysan yahay Maraakiib dagaal oo Badda ah iyo Ciidanka gaar ka ah ee Cirka.

Sidoo kale,waxaa Qayb ka ah hogaamo kale oo Dowladda PL kala shaqayn doona Sirdoonka iyo howlgelinta Dhulka.

Dhanka PL,waxaa xogta iyo Sirdoonka la hawlgalaya Hay’ada Sirdoonka PL ee PISA,halka Dhulka iyo hawlgallada gaarka ah ay la hawlgalayaan Urur Madaxtooyada ah oo si gaar ah loo tababaray.

PL oo kaashanaysa BC,waxay qaadaysaa hawlgal baaxad leh oo la dagaallanka argagixisada ah oo Labada Buurood ku wajahan.

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading