Maraykanka oo abuuray hawlgal Ciidan oo lagu sugayo amniga Badda Cas

Dowladda Mareykanka,ayaa Talaadada maanta ah shaacisay, in Ciidamo ka socda dhowr Waddan oo uu Mareykanka ku jiro ay hadda kaddib waardiye ka qaban doonaan Marin biyoodka Baabal Mandab ee Badda Cas.

Dalalka is bahaysigan ka qaybgalaya,waxaa ka mid ah Maraykanka,Canada iyo Bahrain,waxayna ilaalin doonaan Marinka Maraakiibta ee Baabul-Mandab ee Yemen udhow.

Marinkan oo amnigiisu sii xumaanayo,ayaa waxaa maalmihii lasoo dhaafay ay Xuutiyiinta Yemen ku weerareen qaar ka mid ah Maraakiibta caalamiga ah.

Xuutiyiinta Yemen oo ku hubaysan Drones iyo Gantaalo Balaastika ah,ayaa hiil u ah Xamaasta ka dagaallamaysa Qasa.

Hawlgalka sugida amniga Badda Cas ee Maraykanku hormuudka ka yahay,ayaa ah mid si kmg ah xal unoqon kara,balse xalka kama danbaynta ah waa in dagaalka Qasa laga gaaro heshiis.

Hawlgalka Badda Cas ee Maraykanku hogaaminayo Somaliya Dan,ayaa ugu jirta, maadaama aysan iyadu lahayn awood ay ku ilaalsato danaheeda, isla markaana saamayn weyn uu ku yeelanayo amni xumada Badda Cas.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading