Maraykanka oo dhisaya Ciidamada PISF Ee Puntland

Weftigii Milleteri ee Maraykanka ahaa 1:40 Daqiiqo ayay ka duuleen Bosaso oo ay Xalay ku hoydeen.

Booqashadooda oo ahayd mid Shaqo oo ay ku qiimaynayeen…..

1.Dib ubilaabida Wada Shaqayntii Maraykanka iyo PL ee la dagaallanka argagixisada.

2.Qiimaynta Ciidanka PISF ee la hawlgalaya.

3.Qiimaynta Saldhig ay ka dhisanayaan Duleedka Garoonka Diyaaradaha Bosaso.

Maxaa laysla qaatay?

B.In Ciidanka PISF oo haatan dhan 480-Askari loo Magacaabo Agaasime PL iyo Maraykanku kuwada qanacsan yihiin.

T.In Ciidanka Mushahaarkooda,Qalabkooda iyo tababarkooda Maraykanku taageerayo.

J.In Dhismaha Saldhiga Maraykanka deg-deg loo bilaabo.

X.In Ciidanka PISF ay si rasmi ah uyihiin kuwa la hawlgalaya Taliska Africom.

Ciidanka PISF oo horay looga qaaday Aamiin Xaaji Khayr,ayaa m,waxay kala joogaan Saldhigyada Qandala,Daruuraha iyo Jaamacada,waana Ciidan dhisan,Qalabaysan oo tababaran.

Waxaa kaloo xusid mudan in Wefti ka socda Sirdoonka iyo Milleteriga UK ay kasoo horeeyeen kuwa Maraykanka.

Sida ay ii xaqiijiyeen Labada dhinac isfahan weyn ayay wada gaareen PL iyo Maraykanka,waxaana muuqata PL in ay uheshay Barnaamijkeeda la dagaallanka argagixisada taaageero ballaaran.

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading