Maraykanka oo dhisaya wado isku xiri doonta jabuti iyo Somaliya

Waaxda Difaaca Maraykanka ayaa la sheegay inay wadaan wejiga koowaad Mashruuc ay ku horumarinayo waddo-dhulka oo ay Sahayda u soo maraan oo isku xirta Saldhigoodfa weyn ee ku yaalla dalka Jabuuti iyo Saldhigyadda kale ee ay Milliteriga Maraykanka ku leeyihiin Dalalka Bariga Afrika.


Saraakiisha Waaxda Gaashaandhigga Maraykanka iyo Qandaraaslayaasha ayaa sheegay in Wejiga Koowaad ee Mashruucaasiisku xiri doono Xeradda KAAM LEMONIYEER ee dalka Jabuuti ilaa Saldhigga Diyaaradaha Balli-doogle ee Gobalka Sh/hoose ee dalka Somalia.


Qorshaha Mashruucaasi ayaa la sheegay in waddo la soo dhex marsiinayo Deegaanadda ay kala maamulaan DFS, Alshabaab iyo Dagaal-oogayaasha leh Maleeshiyadda Gaarka iyo dhulka xuduudka ee kaabiga ku haya dalka Ethiopia, ayaa lagu yiri hadalka ka soo baxay Waaxda Difaaca ee Maraykanka.


Mashruucan Joogitanaka Milliteriga Maraykanka ee Gobalkan Geeska Afrika ayaa u muuqda mid qeyb ka ah isballaarinta ay Maraykanka kaga hor tagayaan inay Shiimaha kaga saamayn badnaadaan dalalka Mandiqadda iyo guud ahaan Galaangalkooda guud ee Qaaradda Afrika.


Kolonyadda Milliteriga Maraykanka iyo saaxiibadooda ka hawl-gala Somalia waxay hada iyo jeer maraan dhul ay khatartiisu sarreyso, iyadoo ay Alshabaab kala kulmaan weeraro, jid-gal iyo qaraxyo ay la beegsadaan Kolonyadda Ciiddamadda Shisheeyaha iyo kuwa DFS ee isticmaala Deegaanadda ay Alshabaab maamulaan.


Milliteriga Maraykanka ee ku sugan Muqdisho waxay had iyo jeer Diyaarado Helikoptar ah ku tagaan Saldhigga Balli-doogle oo 60 mayl u jirta Graoonka Diyaaradaha Caalamiga ee Aadan Cadde ee magaalladdan Muqdisho.

Xigasho: Foreign Policy


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading