Maraykanka oo fulinaya amarkii Dowlada Niger

Dowladda Mareykanka,ayaa sheegtay, in qaar ka mid ah Ciidankeeda ay Axaddii kala soo baxday saldhigga ciidanka cirka Niger ee 101, ee u dhaw garoonka diyaaradaha magaalada Caasimadda ah ee Niamey.

Tallaabadan,ayaa imaneysa Todobaadyo yar ka hor inta uusan Mareykanka ka bixin Saldhigga weyn ee diyaaradahiisa drone-ka ee u dhaw magaalada Agades ee ku taalla Saxaraha Niger.

Taliska Millatari ee xakuma Niger,ayaa bishii April amar ku bixiyay, in Mareykanka uu Niger kala baxo ilaa 1,000 askari, bilo kaddib marki ay saraakiil ka tirsan Millatariga Afganbiyeen Dowladdii hore ee Niger,Sannadki hore.

Bayaan ay si wada jir ah u soo saareen Wasaaradda Gaashaandhiga Niger iyo Waaxda Difaaca Mareykanka ayaa lagu sheegay, in iskaashi iyo wada shaqeyn wax ku ool ah oo dhex maray Ciidamada Niger iyo kuwa Mareykanka awgeed uu howlgalka ka bixista uu si guul leh ku dhamaaday ka hor waqtigi loogu tala galay.

Guud ahaan Ciidanka Mareykanka ee Niger,ayaa lagu wadaa in laga soo saaro bisha soo socota ee August.

Taliska Milatari ee Niger,ayaa u qabtay in Ciidanka Mareykanka ka jooga Niger ay Waddanka uga baxaan ilaa 15-ka September.

 

VOA.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading