Maraykanka oo hanjabaad hor leh udiray Putin iyo Kim Jong-un

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Mareykanka, Mathew Miller, ayaa Isniinti u sheegay wariyeyaasha, in Mareykanka u diyaar u yahay inuu soo rogo cuno qabateyn hor leh, hadii Vladimir Putin iyo Kim Jong-un ay ku heshiiyaan in Kuuriya laga iibsado hub, kahor kulankooda magaalada Vladivostok ee dalka Ruushka.

“Waxaan doonayaa in aan labada dal xasuusiyo in hub laga keenay Kuuriyada Waqooyi loo wareejiyo Ruushka ay xadgudub ku tahay go’aanno dhowr ah oo ka soo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Waxaan cunaqabateyn buuxda ku soo rognay shaqsiyaadka hubka siiya Ruushka, waana sii wadi doonnaa inaan cunaqabateyno hor leh soo rogno hadii loo baahdo,” ayuu yiri Matthew Miller.

Mareykanka,ayaa rumeysan, in Ruushka uu doonayo inuu hub ka iibsado Kuuriyada Waqooyi, gaar ahaan taangiyo dagaal.

Mathew Miller,ayaa bayaan uu soo sara ku sheegay in Putin “uu Kim Jong-un weydiistay kaalmo millatari.”


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading