Amarkii Trump ee joojinta Mucaawinada Dibada,ayaa saameeyay Muqdisho iyo Villa Somaliya.
Waxaa xaqiijiyay Wasiirka Maaliyada DFS ee haysata aqoonsiga QM in jarida kaalmada Maraykanka ee gaarayysa $1.5 ay saamayn xun yeelatay.
Marka laga soo tago Kabka Miisaaniyada,Mashaariicda horumarineed Dhaqaalaha Maraykanku ku taageeri jiray,waxaa kaloo go’aanku saameeyay Ciidamada Danab.
Maraykanku,wuxuu ka taageeri jiray Ciidanka Danab Gunnada,Shidaalka iyo Rasaasta.
Sidoo kale Sanadkii hore,ayuu Maraykanku ka joojiyay taageeradii Raashinka Ciidanka Danab markii Suuqyada Xamar lagu kala iibsaday.
Waxaa kaloo ka sii daran go’aankan,waxa uu saameeyay dhamaan Shirkadaha la shaqeeya Ciidamada.
Xamar iyo Villa Somaliya,waxaa lama filan ku noqotay Mareykanka oo Sanadkii siin jirey $1B oo iskugu jiray Gargaar iyo taageero Miisaaniyadeed in uu jartay.
Waxaa xusid mudan in taageeradan Maraykanka ee la waayay ay ku koobnayd Xamar iyo Villa Somaliya oo aysan gaari jirin Qaybaha kale ee Wadanka.
Danab,waa Ciidan si fiican utababaran oo Qalabaysan,ahna awooda kaliya ee AS wajihi karta.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.