Maraykanka oo ka hor istaagay MW PL tagidiisii Adis-ababa

Maraykanku,waxay PL usheegeen Sadex Qodob oo kala ah….

1.In casuumada uga timid Abiy aysan ka jawaab celin oo aysan aadin Adis-ababa.

2.In aysan qaadin Wadada SL qaaday ee goosashada.

3.In ay aqbalaan wada hadal dhexmara PL iyo DFS.

Maraykanku,wuxuu kaloo usheegay PL in ay Somaliya gelin doonaan $1Bilyan oo ay PL ka heli doonto ugu yaraan $400 Milyan.

“Anigu,waa ku cusbahay Somaliya lkn warbixinta iyo xogta laygu wareejiyay,waxay leedahay in PL tahay miisaanka Siyaasada,dheelitiraha Dowlada Dhexe iyo Maamulka ugu awooda badan Maamulada Somaliya marka waa noo muhiim”.Ayuu yori Safiirka Maraykanka.

Maraykanku ma rabo in Somaliya ay kala tagto ama lakala jaro,taa badalkeeda waxa uu si adag ugu dhagan yahay in ay wada Shaqeeyaan DFS iyo Dowladaha Xubnaha ka ah shuruud la’aan.

Dhawaan,waxaa imaanaya Somaliya Wasiirka Gaashaandhiga Maraykanka,taasoo muujinaysa heerka ay gaarsiisan tahay danayntiisa Somaliya.

Arimaha fursadaha siiyay Somaliya,waxaa ugu weyn Abiy iyo hogaamintiisa Itoobiya oo baalmartay sidii uu rabay Maraykanku iyo Ruto oo noqon waayay Wakiil Galbeedka ah oo karti uleh fulinta Shaqooyinka loo diray.

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading