Maraykanka oo ka walaacsan colaada Oromada iyo Somalida Itoobiya

Safiirka Maraykanka u fadhiya Ethiopia, Michael Raynor ayaa sheegay inay Dowladiisa ka walaacsan tahay xaalladda Amni-xumo ee haatan ka jirta dalka Ethiopia, taasi oo horseeday in ay barakacaan in ka badan Hal million oo qof.
 
Waxa uu tilmaamay inay weli helayaan warar sheegayo inay jiraan Muwaadiniin doonaysa inay dhacaan Hantida Khaaska loo leeyahay iyo inay isku dayayaan sidii ay Sharciga gacmahooda ugu qaadan lahaayeen.
 
Ambassador Michael Raynor waxa uu si gaar ah uga hadlay dagaalka u dhexeeya Qowmiyadaha Soomaalida iyo Oramadda, wuxuuna Maamulayaasha Ethiopia ku booriyeen inay wax ka qabtaan Xiisadaasi, wuxuuna hoosta ka xariiqay inay Coladahaasi dhabar-jab ku noqon karaan Isbedelka Ethiopia iyo Nidaamka Dimuqraadiyadda.
 
“Ethiopia waxay u baahan tahay Codadka Dulqaadka, Xukunka Sharciga iyo in Go’aanka Nabadaynta Colaadaha uu noqdo mid ka xooggan badan Codadka kuwa ka shaqeeya Hurinta Colaadaha iyo Kala-qeybinta” ayuu yiri Safiirka Maraykanka u fadhiya Ethiopia, Michael Raynor
 
Dhinaca kale, Colaadda Qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromadda ku dhex marayso K/bari ee dalka Ethiopia waxaa lagu dilay boqolaal qof, waxaana ku barakacay 1.1 million oo qof, iyadoo aan colaadaasi weli loo helin Xal Nabadeed.

Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading