Maraykanka oo Kenya udhisaya Laami Dhererkiisu gaarayo 500-KM

Maraykanka,ayaa udhisaya Kenya Wado (High Way) ah oo isku xiraysa Mombasa-Nayrobi taasoo ku kacaysa $3.6bn.

Dhererka Wadada,ayaa gaaraya 440km,waxa ayna barbar socon doontaa tan Tareenka ee shiinuhu horay ugu dhisay.

Booqashada MW Kenya ee Maraykanka,ayaa Mashruucan lagu kala saxiixday.

Waa talaabo loo baahnaa si saamaynta Afrika ee Shiinaha loo yareeyo,isla markaana ay soo noolaato saamaynta reer Galbeedka.

Loolanka Juquraafiga Siyaasiga ee Caalamka,ayaa soo dadajiyay saamaynta Maraykanka ee Afrika oo soo xoogaysanaysa.

Somaliya way ka faa’idaysan kartaa tartanka Galbeedka iyo Shiinaha iyo loolanka Juquraafiga haday la timaado midnimo ay kuwada dhistaan Dowladnimo xushmo ku dhex yeelata caalamka sida tan Kenya.

Afrika markay timaado Shiinaha iyo Galbeedka,waxaa ehel u ah Galbeedka una macno badan

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading