Maraykanka oo kordhiyay tirada madaxda Soomaalida ah ee uu kusoo rogay cunaqabateynta 

Dowladda Mareykanka,ayaa ballaarisay tirada dadka Somalida ah ee lagu soo rogay xayiraadaha fiisaha, kuwaas oo lagu eedeeyay wiiqista hannaanka dimuqraadiyadda Soomaaliya, sida uu ku dhawaaqay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Antony Blinken Arbacadii shalay.

Tallaabadan,ayaa timid kadib markii uu mar kale dib u dhac ku yimid dhameystirka doorashada Golaha Shacabka, iyadoo dhinaca kale Maraykanku aanu weli shaacin magacyada shakhsiyaadka la cunaqabateeyey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading