Maraykanka oo Madaxiisa kor saaray hogaamiye Shabaab ka tirsan

Barnaamijka bixiya abaalmarinnada lagu raadiyo Caddaaladda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka,ayaa Lacag dhan 10-Milyan oo dolar dul dhigay Madaxa mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha ugu sarreeya Al-Shabaab.

Bayaan ay shaacisay Dowladda Mareykanka oo lagu faahfaahiyay tallaabadan,ayaa lagu sheegay in laga farxin doono Qofkii keena xog horseedi karta in Gacanta lagu soo dhigo Ninkan oo lagu magacaabo Macalin Ayman.

“Waxaan ku yabooheynaa abaalmarin $10-Milyan ah oo lagu bixinayo macluumaadka fududeyn kara in lasoo xiro Macalin Ayman,Waddan kasta oo ay ahaataba,”Ayaa lagu yiri bayaanka.

Sida ay sheegtay Dowladda Kenyanka Nnkan,ayaa loo heystaa ku lug lahaanshaha weerar argagixiso oo 5-tii bishii Janaayo ee sanadkii 2020 lagu beegsaday muwaadiniin Mareykan ah iyo kuwo u dhashay Kenya, kaasoo ka dhacay saldhigga hawada ee Manda Bay, oo ku yaalla Kenya.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading