Maraykanka oo markii ugu horaysay Dayac-gacmeed udiray Cadceeda

Wakaaladda hawada sare ee Mareykanka ee NASA, ayaa maanta waxa ay fulisay qorshaheeda hawada sare ay ugu  dirtay dayax-gacmeedkii ugu dhawaa cadceedda, sida qorshaha lagu wado.
 
Gantaalka xambaaraya dayax-gacmeedkan ayaa la ganay, waxa uuna si nabad ah uga kacay, saldhigga NASA ee lagu magacaabo Cape Canaveral oo ku yaalla Florida, muddo ayuuna safar kusii jiri doonaa.
 
Waxaa lagu guuleystay safarkan naadirka ah, iyada oo maalin kahor uu ku yimid  hakad aan lasii saadaalin, Gantaalkan hawada sare loo diray ayaa noqoneysa kii ugu dhaqsiyaha badnaa ee aadunuhu sameeyo.
 
Qorshuhu waxa uu yahay in la gaaro halka ugu dhaw ee qoraxda, lagana gudbo guud ahaan meeraha dhulka.
 
Dayax-gacmeedkan oo jaraya Saacadiiba 690,000km/h, ayaa waxa ay ku qaadan doontaa inuu cadceedda gaaro muddo lix isbuuc ah.
 
Dr Nicky Fox oo ah cilmiyahanad udhalatay Ingiriiska kana shaqeyneysa mashruucan ayaa sheegtay in aaladani ay u jirsan doonto cadceedda 4cm uun.
 
Sidoo kale waxa ay sheegtay in xawaaraha dayax-gacmeedkani uusan inaba caadi aheyn, oo tusaale waxa ay ku cadeysay in magaalooyinka Tokyo iyo Newyork oo isu jira 10,842km uu hal daqiiqo ay ukala safri karto aaladani.

Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading