Maraykanka oo Qasa udaabulaya Gargaar bini’aadantinnimo

Duulimaadyada gargaarka ee siday cunnada, sahay caafimaadka iyo dharka qaboobaha ayaa ah kuwii ugu horreeyay ee oo ay leeyihiin militariga Mareykanka oo siday gargaar tan iyo markii ay bilowdeen weerarrada Xamaas ay ku qaadday Israa’iil 7-dii Oktoobar.

Duulimaadyada ayaa billowday maalin uun kadib markii madaxweyne Joe Biden uu sheegay inuu uga faa’iideysan doono kordhinta xabbad joojinta si uu gargaar badan u keeno Gaza, iyo iyadoo dadaallada caalamiga ah ay sii wadaan inay sii kordhiyaan xabbad-joojinta.

“Baahiyaha bini’aadantinimo ee Gaza waxay dalbanayaan in beesha caalamku ay wax badan ka qabato. Maraykanka waxaa ka go’an dadaalkan,” ayuu warsaxaafadeed uu soo saaray ku yiri Jake Sullivan, la taliyaha amniga qaranka Mareykanka.

Sullivan waxa uu sheegay in Biden uu ka shaqayn doono in uu “isku keeno beesha caalamka si ay si degdeg ah u kordhiyaan taageerada” codsiga Qaramada Midoobay ee Qasa.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading