Maraykanka oo Qatar uga Mahadceliyay doorkeeda sii daynta Muwaadiniinteeda Ee Xamaas

Xoghayaha arimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken,ayaa ka hadlay ka qayb qaadashadii Dowlada Qadar ee sii daynta Labadii Maxbuus ee Maraykanka u dhashay Judith iyo Natalie Raanan, ee ay Gacanta ku hayeen Xamaas.

“Waxaan doonayaa inaan u mahad celiyo dawladda Qdar, waxay ahayd caawinaad muhiim ah” ayuu yiri xogahayaha Maraykanka. Balse wuxuu sheegay inuusan si toos ah uga hadli karin faahfaahinta hoose ee doorka Qadar.

Waxa kale o ouu sheegay in dadaalo ay ku sii deynayaan muwaadiniin kale oo maraykan ah ay wadaan.

Judith Raanan iyo Gabadheeda Natalie,ayaa laga sii daayay Qasa sida ay shaaciyeen masuuliyiinta Israa’iil.

Hooyadaan iyo Gabadheeda,ayaa intaan la Afduuban ka hor booqasho ku tagay Nahal Oz kibbutz oo ay degan yihiin qaraabadooda,iyaga oo halkaas kula kulmay weerarkii Xamaas ee dhacay 7-dii bishan Oktoobar.

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading