Maraykanka oo sheegay in Ukrain ay ka adkaan doonto Ruushka

Xoghayaha arrimaha Mareykanka Antony Blinken ayaa,sheegay inuu rumeysan yahay in Ukraine ay dagaalka kaga adkaan doonto Ruushka.

Ma uusan soo hadal qaadin xilligga lais dhihi karo wuu soo afjarmayaa dagaalka balse wuxuu sheegay in aanay soo dhaweynin jab soo gaara Ukraine.

Blinken wuxuu ammaanay ‘adkeysiga aan caadi aheyn’ ay muujiyeen shacabka Ukraine.

Wuxuu sidoo kale in Ruushku uu isku dayo in uu afgembiyo dowladda Ukraine ay shacabka dalkaas si weyn uga soo horjeesan doonaan.

“Haddii ujeeddadu Ruushka ay tahay inuu isku dayo inuu afgembiyo dowladda si uu hirgeliyo dowladda uu isaga wato, 45 malyan oo shacabka Ukraine ah ayaa kasoo horjeesan doonaa” ayuu yiri Blinken.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading