Maraykanka oo sheegtay weerarada ka dhacay Dhaadaar

Dadka Deegaamada Afcad iyo Sheebaab oo ka tirsan Qandala,ayaa Labo duqayn oo dhinaca cirka ah lala beegsaday tuulooyinkas, gaar ahaan saldhigyo ay Daacish ku laheyd.

Si cad,waxaa usheegtay hawlgalkan Taliska Africom oo qaabilsan la dagaallanka argagixisada Bariga Afrika.

Sidoo kale PL sidii caadada ahayd ogaysiin,ayaa la siiyay ka hor fulinta hawlgalkan,sida ay noo xaqiijisay Madaxtooyada PL.

DFS si guud,iyaduna waxay leedahay magaca iyo maqaamka wada shaqayneed ee lagu hawlgalayo.

Maraykanka,ayaa si joogta ah ula dirira argagixisada Somaliya ka hawlgasha,isagoo wada shaqayn kala leh dhinacyada Somalida.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii ay sheegatay Dowlada Xasan ee Dastuurka baalmartay weerar ka dhacay Buuraha Calmadow,balse PL,ayaa si adag uga hor timid sheegashadaas iyo jiritaanka weerarkaas.

Sidoo kale Taliska Africom,ayaa iska beri yeelay weerarkaas.

 

https://www.africom.mil/pressrelease/35499/us-forces-conduct-strike-targeting-isis


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading