Maraykanka oo ku dhiiranaya helida Greenland

M.xigeenka Maraykanka,ayaa booqasho ku tagay Greenland oo ah DG hoos yimaada Boqortooyada Danmark.

Booqashada M.xigeenka Maraykanka,waxaa ka xumaaday Danmark oo aan raali ka ahayn imaanshihiisa.

Fariinta booqashadan ay dirayso,ayaa ah…”Rabitaanka Maraykanka ee Greenland gorgortan kuma jirto,isla markaana cid looga haybaysanayo ama lagu tixgelinayo majirto”.

Danmark oo ah Sxb iyo Gaashaanbuur Maraykan oo soo jireen ah,ayuu si cad uweeraray M.xigeenka Maraykanka.

Danmark,wuxuu ku dhaleeceeyay sida ay ula dhaqantay Dadka Greenland iyo sida ay udayacday muhiimada Dhulkan istiraatiijiga ah.

Maraykanku,wuxuu ku doodayaa Danmark awood ay ku maarayso maleh Greenland oo muhiim u ah amniga caalamka.

Ruush iyo Shiine lama goosgoosan karto Danmark ee waa in aan Anagu haynaa Greenland,ayuu Maraykan taagan yahay.

Greenland oo ah Jasiirad leh Kayd Macdan,Saliid iyo Gaas oo ku taal meel muhiim u ah xasiloonida caalamka iyo Ganacsiga Marakaynku,wuxuu ku leeyahay Saldhig weyn oo Milleteri.

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading