Qoraal ka soo baxay Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho,ayaa lagu bogaadiyay heshiis labo geesood ah oo ay kala saxiixdeen Dowladda Maraykanka iyo Wasaaradda maaliyadda Xukumada Faderaalka Soomaaliya.

Safaaradda,ayaa sheegtay in marka Soomaaliya ay gaarto heerka ugu dambeeya hanaanka dayn cafinta ay ka cafindoonto lacag dhan 1 bilyan oo doollarka Maraykanka ah.
“Markay Soomaaliya gaarto heerka ugu dambeeya, “Dhamaystirka Qodobka,” Mareykanka wuxuu cafin doonaa in ka badan 1 bilyan oo deyn ah” ayaa lagu yiri Bayaanka Maraykanku soo saaray.


Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.