Maraykanka Oo Somaliya ka dhisanaya saldhiga Milatari Ee sadexaad ugu weyn Qaarada Africa

"The Hangar" at MCAF Beledogle Somalia. Operation Restore Hope. Marines from the Air Combat Element (ACE) of Marine Forces Somalia cleared out tons of debris, dirt, and bats that had inhabited the hangar. This structure served as the ACE Headquarters building and maintenance facility.
Dowladda Mareykanka ayaa dib u dhis iyo ballaarin ku sameysay Saldhigga Ciidanka Cirka ee Balli doogle ee ku yaalla Gobolka Shabeellada hoose ee Soomaaliya.
 
Wargeyska Vice News,oo warkan qoray ,ayaa sheegay in uu kasoox igtay xogtan qandaraalayaal milatari oo Maraykan ah,waxuuna faahfaahin uu ka bixiyay balaarinta Sldhigaas ku yiri…
 
Wargayska ayaa intaas ku daray in ballaarinta Garoonka Balli doogle ee Gobolka Shabeellada hoose ee Somaliya ujeedada uu ka leeyahay Maraykanku ay tahay la dagaallanka Argagixisada.
 
Mid ka mid ah Qandaraaslayaasha Dhismahaasi, ayaa u sheegay Wargeyska in Waaxda Difaaca Maraykanka ay maalgelinayso Dhismahaas.
 
Ugu yaraan 800 oo Sariirood,ayaa ilaa iyo hada la hirgaliyay oo la dhamaystiray.
 
208-ka mid ah Sariirahaasi waxaa loogu talagalay Ciiddanka Maraykanka ee Barnaamijka Loojistikada Rayidka, halka 600 oo kalena loo dhisayo Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka ee Barnaamijka Nabad-ilaalinta.
 
Ugu yaraan 6-bar oo wax laga ilaaleeyo ayaa iyana laga dhisay Saldhigaas sannadkan oo keliya.
 
Melleteriga Mareykanka ayaa si qarsoodi ah Balidoogle uga dhigay saldhigga sedaxaad ee ugu weyn Saldhigyada milleteri ee Maraykanku ku leeyahay Qaaradda Afrika waxaana ka weyn saldhigyadiisa ku yaalal Jabuuti iyo Niger.
 
Qandaraaslayaasha Melleteri ee Maraykan ah ee Wargeyska Vice News soox iganayay ayaa u xaqiijiyay in dhismaha saldhigga Balli doogle uu ahaa mid qarsoodi ah soona billawday Bishii January 2017.
 
Taliska Ciiddanka Maraykanka ka jooga Afrika ee loo yaqaan AFRICOM,ayaa waxuu Somaliya ka hawlgaliyay in ka badan 500-Askari oo Maraykan ah.iyadoo ay sare uqaadeen weerarada ay ku beegsanayaan dagaalamayaasha Alshabaab iyo Daacish tan iyo intii uu xukunka Maraykanka la wareegay Madaxweyne Trump.

Members of Naval Mobile Construction Battalion 1 (NMCB-1) take a break while working on a mobile drilling rig being used to drill a water well. The well, near Bale Dogle, is intended to supply an old Soviet air base being used by U.S. and Moroccan personnel participating in the operation.

“The Hangar” at MCAF Beledogle Somalia. Marines from the Air Combat Element (ACE) of Marine Forces Somalia cleared out tons of debris, dirt, and bats that had inhabited the hangar. This structure served as the ACE Headquarters building and maintenance facility.

“The Hangar” at MCAF Beledogle Somalia. Operation Restore Hope. Marines from the Air Combat Element (ACE) of Marine Forces Somalia cleared out tons of debris, dirt, and bats that had inhabited the hangar. This structure served as the ACE Headquarters building and maintenance facility.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading