Warqada Xasan qoray,way jirtaa oo dhab.
Ujeedka uu uqoray,waa ka jawaab celin Ogaysiin Maraykanku usoo diray oo lagu ogaysiinayo in la isticmaalayo Dekedaha Berbera iyo Bosaso.
Fariinta ogaysiinta,waa mid ku salaysan ilaalinta Gobanimada iyo Madaxbanaanida Wadanka.
Tusaale?
Maraykanku mar walba oo uu duqayn ka fulinayo meel ka mid ah Somaliya,waxaa fariin kooban oo ogaysiin ah loo diraa DFS,iyadoo loo marsiinayo Taliska Danab.
Balse duqaynta sida udhacayso,halka ay ka dhacayso,Saacada ay dhacayso,wuxuu Maraykan la wadaagaa oo kala Shaqeeyaa Maamulka ka jira Deegaanka wax laga fulinayo.
Mida isticmaalka Dekedaha,waa la mid.
Maraykanku,wuxuu rabaa in uu dagaalka Xuutiyiinta Goobaha uu ka qaadayo ay ka mid noqdaan Dekedaha Bosaso iyo Berbera,gaar ahaan Berbera.
Qorshihiisaas,waa uu kala hadlay Maamulada SL iyo PL,waana ku heshiiyeen.
DFS,waxay lahayd ogaysiin,waana loo sameeyay.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.