Maraykanka oo ucadeeyay mowqifkiisa MOU Dowlada Itoobiya

“Maraykanku,waxa uu taageerayaa midnimada iyo Madaxbanaanida Qaran ee Somaliya,iyo Itoobiya iyo Somaliya oo ah Sxb isku dhow oo wada Shaqeeya,waxuu codsanayaa Itoobiya in ay Somaliya ka caawiso la dagaallanka Dhalinyarada xagjiriinta ah,waxaan rajaynaynaa in ay helaan Wado Laba Wadan kuwada Shaqayn karaan oo isku kaashaan karaan,waxaana hogaamiyayaasha Gobolka ka dalbanay in ay xal uhelaan khilaafka Labada Dal”.Ayuu yiri Ergayga Gaarka ah ee Geeska Afrika uqaabilsan Maraykanka.

Waa war weyn oo kasoo baxay hogaanka Caalamka Quwada haysa.

Hadalka Maraykanka,waa fariin ku socota Dal walba oo ku mashquulsan kala dhantaalida Midnimada Somaliyed.

Sidoo kale,waxa uu amar iyo usheegid ku yahay Itoobiya iyo hogaamiyaheeda Abiy iyo SL iyo hogaamiyaheeda Muuse.

Dhanka kale hadalka Maraykanku, waxa uu hoga tusaalaynayaa Somaliya oo loo tilmaamay jihada laga rabo in ay aado,taasoo ah in ay joojiso hadalada xanafta leh ee colaada sii abuuraya,isla markaana,waxaa loo sheegay in ay la timaaado fikrad iyada iyo Itoobiya Walaalayn Kara.

Sida muuqata aragtida Maraykanka ee ku dhisan Diblomaasiyad heerkeedu sareeyo oo lagu jaangooyay Siyaasad aan caadifaysnayn lama jaanqaadi karto Wasaarada Arimaha Dibada Somaliya ee Fiqi hogaaminayo.

Diblomaasiyada Somaliya,si ay ula goo’s goosato Diblomaadiyadaha Caalamka ee qaan gaaaray,waa in Fiqi laga kaxeeyaa oo la Keenaa Wasiir Rugcadaa ah iyo koox la Shaqaysa oo khibrad leh.

Maraykanku,waa  uhiiliyay Somaliya,xataa hadii dantiisu sidaa gashay,waxaana Siyaasadooda ku jaangooya hadba Maraykanku dhanka uu aado Dowlado waa weyn oo caalamka ah.

Hadaladan,ayuu ka jeediyay Ergayga Maraykanka ee Geeska Afrika kulan uu la qaatay Madaxda Itoobiya.

 

Halkan ka daawo muuqaalka

 

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading