Maraykanka Oo ugu deeqay Ciidamada AMISOM Diyaaradaha aan duuliiyaha lahayn

Danjire Francisco Madeira Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya, ayaa ugu mahad ciliyay Dowladda Mareykanka qalab shalay ay gudoonsiiyeen, qalabkaas oo ciidamada AMISOM ka caawin doono sahanka iyo arimo kale.
 
Danjire Francisco Madeira ayaa hadalkan yiri shalay mark uu gudoomayay qalab cusub oo ay ugu deeqday dowladda Mareynka lagu daahfurayay Garoonka Diyaaradaha Militariga ah ee Balidoogle, ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo shalay howgalka AMISOM lagu gudoonsiiyay qalab la sheegay in uu ka saacidi doono helida xogta I.W.M ah.
 
Qalabkan ayaa ah diyaaradda nooca aan duuliyaha laheyn ee loo adeegsado war doonka iyo sahanka, waxaana la sheegay inay la socon karto dhaq dhaqaaqa illaa 70 Mile, qalabkaan shalay la gudoon siiyay hogaanka ciidamada AMISOM ayaa imaaneysa xili dhowr jeer ay horay hogaanka ciidamada nabad ilaalinta u jooga soomaaliya ee AMOSOM ay codsadeen in laga caawaiyo qalab xoojiya ciidanka si ay meesha uga saaraan Al-shabaab.
 
Madaxa Arrimaha Howgalka Mareykanka ee Soomaaliya, Martin Dale, oo hadal kooban ka jeediyay munaasabada Hogaanka AMISOM kula wareegayeen qalabkaan ayaa carrabka ku adkeeyay sidii ay dowladda Mareykanka uga go’an tahay in ay caawiso Midowga Afrika, Waddamada Ciidamada qaybta ka ah AMISOM wuxuuna sidoo kale sheegay in ay dadaal ugu jiraan sidii ay Soomaaliya nabad heli laheed.
 

Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading