Maraykanka Oo war kasoo saaray weerarada Turkiga Oo sigay Ciidamadooda ku sugan Siiriya

Duullaanka cusub ee ka dhanka ah dagaalyahannada Kurdiyiinta Suuriya,ayaa weeraro Cirka ah oo qayb ka ah duullaanka waxay ka dhaceen meel ku dhow fariisinka Ciidamada Mareykanka ee ku sugan Gobolka Waqooyi-Bari ee dalka Suuriya.

Taliska Dhexe ee Mareykanka, oo ay hoos yimaadaan ku dhawaad 900-Askari oo Mareykan ah oo ku sugan Suuriya, una xilsaaran ka hortagga kooxda la baxday dowladda Islaamka, ayaa xaqiijiyay weerarkan.

Taliska,ayaa sheegay in Talaadadii uu dhacay weerarkan,ayna ku sugnayn Saldhigga xiligaas.

Sarkaal ka tirsan difaaca Mareykanka,ayaa laga soo xigtay in ciidamada Mareykanka ay ku jireen meel udhow Saldhiga oo 300 mitir u jirtay.

Saldhigga,ayaa ku yaalla Waqooyiga magaalada Hasakah.

Saraakiisha Ciidamada Maraykanka,ayaa dhacdadan bayaan kasoo saaray gelinkii dambe ee Arbacadii.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading