Maraykanku,wuxuu usoo jeedaa xilligan Somaliya si ka xoog badan mudooyinkii hore.

Agaasimaha CIA waxaa lagu tilmaamaa Ninka Afraad marka laga eego dhanka awooda Dowladnimo ee Maraykanka oo ah Quwada Dhaqaale iyo Milleteri ee caalamka.

Imaanshihiisa Muqdisho ma’ahan mid fudud oo iska timid,waxayna xanbaarsanayd fariimo kala duwan oo dhamaantood Somaliya u ah hiil iyo garab.

“Hadaan nahay Maraykan,waxaa naloo haysta in ay Gacantayada ku burbureen Dowlado Islaam ah oo badan marka waan idin dhisaynaa ee idinkuna isqabsada oo Dowladiina dhista”Ayuu ku yiri MW Xasan.

Sidoo kale,wuxuu ka yiri xadgudubka Itoobiya..

“Abiy kama yeelayno in uu gudaha ugalo Somaliya,wuxuu ku lug yeeshay colaadii Tigreega iyo mida Amxaarada ma rabno in uu colaad kale ka shido Geeska”.

Shirkii IGAD,way ka maqaam saraysiiyeen heer Safiir,waxayna usoo direen Maraykanku Ergayga Geeska Afrika,kaasoo ka jeediyay hadallo cad cadaa.

Danaynta caalamka hadii loo helo Somali umidowda waa soo kaban karaa si dhakhso ah.

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading