Mareykanka go’aan cusub ka qaatay Degaameynta Israel ee dhulka Falastiiniyiinta.

Dowladda Mareykanka ayaa ka laabatay go’aan ay aamin saneed mudo tobonaan sano ah, kaasi oo ahaa in ay sharci daro tahay deegaameenta ay Israel ka wado dhulka Falastiiniyiinta gaar ahaan Daanta Galbeed.

Masuuliyiinta Falastiin, kooxo udooda xuquuqda aadanaha, iyo siyaasiyiin caan ah ayaa cambaaray’yay go’aanka dowladda Mareykanka.

Xoghayaha Arrimaha Dibadea ee Dowladda Mareykanka Mike Pompeo ayaa sheegay in maamulka Trump uu qaadacay dhamaan qaraaradii hore ee sharci darada looga dhigayayay deegaameenta ay wado Israel.

Ra’iisul Wasaaraha Israel ayaa soo dhaweeyay go’aanka maamulka Trump.

 Midowga Yurub ayaa dhankiisa kasoo horjeestay go’aanka Mareykanka.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading