Mareykanka oo dacwado kusoo oogay Huawei

Shirkadda isgaarsiinta Shiinaha ee Huawei Technologies, ayaa diiday dacwad dambiyeed ay kusoo oogeen dacwad oogayaasha Mareykanka oo ku saabsan xatooyada hantida maskaxeed ee Mareykanka iyo qiyaameyn lacageeed.

Dacwaddan oo ka kooban 13 qodob ayaa waxaa Isniintii lagu diiwaan geliyey maxkamadda federaalka Mareykanka ee New York.

Dacwad oogayaasha ayaa shirkaddan Shiineeska ah iyo sarkaalkeeda ugu sarreeya ee maaliyadeed, Meng Wanzhou ku eedeeyey inay xiriir ganacsi la yeesheen Iran, ayaga oo jebinaya cunaqabateynta Mareykanka.

Huawei waxa ay sheegtay inay aad uga niyad jabsan tahay eedeymahan.

“Huawei, shirkadaha hoos yimaada iyo kuwa ku xiranba waxa ay beeninayaan inay sameeyeen wax xadgudub ah. Kamana war hayno wax qalad ah oo ay sameysay Ms. Meng” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Huawei.

“Waxaan rumeysannahay in ugu dambeyntii maxkamadaha Mareykanka ay gaari doonaan go’aankaas oo kale” ayuu lagu yiri qoraalka.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading