Mareykanka oo safiir cusub u soo magacaabay Geeska Africa

Dowladda Mareykanka ayaa Ergay gaar ah u soo magacowday dalalka Geeska Africa, kaas oo lagu magacaabo Jeffrey Feltman.

Jeffrey Feltman ayaa si gaara loogu xil saaray xiisadda Biyaha Neylka, gobolka Tigray, Itoobiya, Suudaan iyo arrimaha kale ee ka jira Geeska oo Soomaaliduna kamid tahay.

Danjie Feltman oo ah dublamaasi sare oo kasoo shaqeeyay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka iyo Qaramada Midoobay, ayaa soo noqday Safiirkii Mareykanka ee Lubnaan iyo Kaaliyaha Xoghayaha arrimaha dibedda ee Bariga dhexe, waxaana lagu tilmaamaa inuu aqoon fiican u lee yahay arrimaha geeska Africa.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading