Antony J. Blinken Xoghayaha arimaha dibada Maraykanka oo qoraal soo saaray ayaa kula taliyay Madaxda Dowladda Faderaalka iyo Dowlad-goboleedyada dalka in ay si deg deg ah u qabtaan doorashooyinka dalka.
“Mareykanku wuxuu aad uga walaacsan yahay jahwareerka doorashooyinka ee ka jira Soomaaliya, taasoo abuureysa hubanti la’aan siyaasadeed oo khatar ku ah amniga, xasilloonida, iyo horumarka dalka.” Ayaa laga lugu suxay qoraalka wasaarada arimaha dibada Maraykanka.
“Waxaan ugu baaqeynaa madaxda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah Soomaaliya in ay dhinac iska dhigaan ujeeddooyinka siyaasadeed ee ciriiriga ah, ayna ilaaliyaan waajibaadka ka saaran dadka Soomaaliyeed, ayna oggolaadaan in si deg deg ah loo qabto doorasho hufan oo loo dhan yahay” ayaa yiri xoghayaha arimaha dibada Maraykanka.
“Caqabada hada jirta waxa ay wiiqayaan horumarka la sameeyay ilaa maanta, waxa ay a dib u dhigayaan dib u habeynta dhaqaalaha iyo wadada loo marayo cafinta deynta oo dhameystiran, waxayna caqabad ku tahay la dagaalanka argagixisada” ayaa lagu xusay bayaanka.
“ Mareykanku wuxuu taageerayaa xuquuqda muwaaddiniinta Soomaaliyeed ay u leeyihiin in ay ku mudaaharaadaan si nabad ah oo ay si adag uga soo horjeedaan adeegsiga rabshadaha ee koox kasta. Waxaan ka codsaneynaa madaxda Soomaaliya in ay ilaaliyaan mustaqbalka dalka oo ay helaan heshiis si dhakhso leh loogu qabto doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxweynaha” ayaa lagu soo xiray bayaanka.
Qoraalka Maraykanka ayaa imaanaya iyada Madaxda Dowladda Faderaalka Soomaaliya mudo xileedkoodu dhamaaday walina aan xal laga gaarin Khilaafka doorashooyinka Soomaaliya, waxaana madaxda maamulada ay ku suganyihiin magaaladda Muqdisho manajirto wax hormar oo laga sameeyay khilaafka doorashooyinka.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.