Mareykanka oo war kasoo saaray duqeyn ka dhacday Gobalka Mudug

War-saxaafadeed ka soo baxay taliska Ciidamada Maraykanka ee qaarada Afrika ee loo yaqaano (AFRICOM) ayaa lagu faah faahiyey duqeyn dhinaca cirka ah oo uu Mareykanka ka fuliyey deegaano ka tirsan Gobolka Koonfurta Gobolka Mudug.

Qoraalka Africom ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya Saaxiibadooda Soomaaliya ay 24-kii Bishaan Agoosto duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyeen degaanka Camaara ee Gobolka Mudug halkaas oo shalay weerar khasaaro geystay ay ku qaadeen Al-Shabaab.

” Isagoo kaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya, Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa qaaday weerar is-difaac ah oo wadajir ah oo ka dhan ah dagaalyahannada al-Shabaab ee dagaalka kula jira saaxiibbadayada Soomaaliya agagaarka Cammaara, Soomaaliya, 24-kii Agoosto ayaa lagu yiri” Qoraalka kasoo baxay Africom.

Weerarkaas ayaa Mareykanka waxa uu sheegay inay qiimeeynayaan khasaaraha kasoo gaaray Al-Shabaab,isla markaana ay ogyihiin in aysan waxba ku noqon dad dayid ah, sidoo kalena ay sii wadi doonaan duqeymaha ka dhanka ah Al-Shabaab.

Waa duqeyntii saddexaad oo diyaaradaha Mareykanka ay ka geystaan degaannada Galmudug muddo laba bilood gudahood ah, kadib markii Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ay howlgallo bilaabeen.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading