Mareykanka oo war kasoo saaray duqeyn ka dhacday J/dhexe.

War-saxaafadeed ka soo baxay taliska Ciidamada Maraykanka ee qaarada Afrika ee loo yaqaano (AFRICOM) ayaa lagu faah faahiyey duqeyn dhinaca cirka ah oo uu Mareykanka ka fuliyey deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Dhexe.

Qoraalka Africom ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya Saaxiibadooda Soomaaliya shalay oo Taariikhdu ku beegneyd 12/11/2019 ay  duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyeen degmada Jilib oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose,isla markaana ay la beegsadeen Xubno ka tirsan  Al-Shabaab.

Weerarkaas ayaa Mareykanka waxa uu sheegay inay ku dileen hal  Xubin oo ka tirsanaa,isla markaana weerarkaas aysan waxyeelo kazoo gaarain dad rayid ah.

Mareykanka ayaa sanadkaan 2019 waxa uu kordhiyey weerarada dhinaca cirka ah uu ka fuliyo Soomaaliya,waxaana Hay’adaha u dooda Xuquuqda aadanaha ee amnesty international Warbixin ay dhawaan soo saartay ay ku eedeeyay Mareykanka in duqeynta uu Soomaaliya ka wado ay ku dhintaan dad rayid ah.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading