Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa ugu baaqay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah DFS inay si deg deg ah u kulmaan, dsi loo dhameystiro heshiiska Doorashada dalka.
Qoraal lagu daabacay barta Twitter-ka ee Safaarada Mareykanka ayaa lagu sheegay inuu socdo waqtigu, ayna kulmaan Madaxda DFS iyo Dowlad Gobaleedyada.
“Waqti ayaa socda waxaan ku boorinaynaa Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ahba inay hada u kulmaan” ayaa lagu yiri qoraalka Safaaradda Mareykanka.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.