Mareykanku oo sheegay in uu dilay 30-dagaalyahan oo katirsan Al-shabaab

Mareykanka,ayaa sheegay in dukheyn dhanka Cirka ah oo ay ka fuliyeen Somaliya ay ku dileen ku dhawaad ​​30-dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab.

Howlgalka,ayaa ka dhacay meel u dhow Degmada Galcad oo qiyaastii 260km ama 162 mayl dhanka Waqooyi Bari kaga beegan Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Maalmihii lasoo dhaafay,ayaa Ciidamada Dowladda Somaliya iyo kuwa Al-Shabaab waxa ay ku dagaalameen Gacan ku heynta Degmadaasi.

Sida uu sheegay Taliska Mareykanka ee Afrika,weerarkii Cirka ee Jimcihii ayaa ku soo aaday xilli Ciidamada ay soo weerareen in ka badan 100 dagaalyahan oo katirsan Al-shabaab.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading