Markab Ganacsi oo ay weerareen Xuutiyiinta oo khasaare xoog leh gaaray

Weerar Gantaal ah oo fallaagada Xuutiyiinta Yemen ay ku qaadeen Markab ganacsi oo marayey Gacanka Cadan,ayaa dilay ugu yaraan Saddex Qof Arbacadii.

Afar kale oo ka tirsan shaqaalaha Markabka,ayaa la dhaawacay, iyadoo Saddex ka mid ah ay aad u liitaan.

Markabka,ayaa,waxaa soo gaaray burbur xooggan.

Taliska dhexe ee Mareykanka,ayaa war uu soo saaray ku sheegay galabnimadii Arbacada.

Weerarkan,ayaa yimid maalin kadib markii Ciidamada Badda ee Maraykanka ay soo rideen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka,isla markaana ay Gantaalna ay ku garaaceen markabka dagaalka ee marayey meel u dhow Badda Cas.

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading