Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ayaa sheegaya in Markab u raran ganacsato Soomaaliyeed uu kusoo caariyay xeebta magaaladaas.
Markabkan oo sida Shamiito, ayaa sida qorshuhu ahaa maanta lagu waday inuu kusoo xirto Dekedda Boosaaso, balse markabka ayaa ka baxay marinadii Maraakiibta ee Dekedda Boosaaso.
Dadaalo lagu badbaadinayo markabkan ayaa haatan socda, iyadoo la filayo inuu goor-dhow si toos ah ugu xirto Dekedda Boosaaso.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.