Markab si dirqi ah uga badbaaday Burcadbadeed Soomaali ah

Warbixin kasoo baxday Howlgalka Midowga Yurub ee la dagaalanka Burcaddeeda ayaa sheegay in maalmo ka hor burcadbadeed Soomaali ah si dirqi ah uga badbaaday inay qabsadaan markab u socday dakada Muqdsiho.

Weerarkaan ayaa ururka waxaa uu sheegay in uu ahaa mid qorsheysan balse uu fashilmay.

“Weerarkaas waxaa fuliyay afar ruux oo la socday doon yar oo ah kuwa dheereeya, waxa ay weerareen markabka oo ay damacsanayeen in ay qafaashaan si ay uga helaan Madax-furasho balse gurmad degdeg ah ayaa gaaray oo ka socda howlgalka EU NavFor”ayaa lagu yiri warka kasoo baxay.

Midowga Yurub ayaa sheegay in ciidanka ilaalada xeebaha ee ku sugan Soomaaliya ay ku guuleysteen in ay iska caabiyaan kooxda soo weerartay markabka.

“Kaddib markii weerar & iska caabbin is dhaafsadeen Ilaalada Markabka iyo Burcadda oo ugu yaraan muddo saac dagaalamay, Burcaddu way ku guuldareysatay in ay gacanta ku dhigto, si nabadgalyo ah ayuu Markabka ku gaaray Dekedda Muqdisho”ayaa lagu yiri qoraal kaso baxay howlgalka EU NavFor

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading