Masar ma waxay Ciidan ku daraysaa hawlaglka Midowga Afrika Ee Somaliya?

Madaxwaynaha Masar,waxa uu cadeeyay in Wadankiisu diyaar uyahay qayb in uu ka noqdo Ciidamada Nabad ilaalinta ee Midowga Afrika ee Somaliya ka hawlgalaya Sanadka danbe.

“Waan jecelnahay in aan qayb ka noqono Ciidamada Midowga Afrika ee Sanadka danbe loo cusboonaysiinayo mudada ay sii joogayaan Somaliya,maadaama aan ka mid nahay Midowga Afrika,balse wax kasta,waxay ku xiran yihiin rabitaanka Wadanka Martida loo yahay.”Ayuu yiri MW Masar.

Sida Warar kale sheegayaan Masar ma gayn doonto Ciidamo Somaliya kaliya,waxay ku koobnaan doontaa Saadka.

Xasiloonida Siyaasadeed ee Somaliya Dan uguma jirto in Masar Ciidan ku darto hawlgalka Midowga Afrika ee Somaliya.

Halkan ka daawo muuqaalka

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading