Duqa magaalada Garowe,Axmed Siciid Muuse (Axmed Barre),ayaa maanta Garowe uga qeyb galay daahfurka mashruuca Danwadaag oo laga fulinayo Degmooyinka Garowe iyo Qardho.

Danwadaag oo mashuuc ay iska kaashanayaan fulintiisa hay’adda VNG ee dalka Holland iyo ururka ALGAPL, ee dowladdaha hoose Puntland, waa mashruuc taageeri doono u adkaysiga Dowladdaha hoose ee Puntland iyo kobcinta dhaqaalaha maxaliga ah.

Duqa Garowe, Axmed Barre ayaa soo dhoweeyay mashruucaan. Wuxuu sheegay in uu qeyb ka yahay nidaamka maamul daadajinta, si dowladdaha iyagu maamulaan mashaariicda heer degmo.

“Degmooyinku way leeyihiin awood ay ku fuliyaan adeegyada ay waaaraddaha dowladda Puntland hayaan. Marka waxaan ka codsanaynaa inay culayska iska dhigaan, shaqada cidda leh u daayaan, iyaguna siyaasadooda iyo habraacooda ku haraan,” ayuu yiri Duqu.

Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha Puntland Cabdiweli Mire Xirsi oo mashruuc si rasmi ah u daahfuray wuxuu sheegay inuu ka shaqeyndoono tababarida iyo wacyi galinta la xiriira ka hortagga masiibooyinka abaaruhu ay ku jiraan.
Xafiiska Warfaafinta iyo wacyi-galinta dowladda hoose Garowe.

Email: Garowecity.info@gmail.com
Our website: https://garowecity.pl.so/
Our Facebook: Dowladda Hoose ee Garoowe
Our Twitter : https://twitter.com/home
Our Youtube: youtube.com/channel/UCjZlIWAkCSoyhG_9zy32_9g
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.