Mashruuca Kobcinta Maamulka Kheyraadka Dadweynaha Ee SERP oo la daah furay

Muqdisho, Nofeembar 1, 2023 – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane: Axmed Cabdirisaaq Maxamed – Handal, ayaa ka qeyb galay munaasabad maanta lagu daah furay Mashruuca Kobcinta Maamulka Kheyraadka Dadweynaha ee Soomaaliya ee SERP.

Mashruuca SERP, oo ay iska kaashanayaan Bangiga Adduunka, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladdaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ayaa waxaa ka faa’iideysan doona Wasaaraddo kala duwan ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed sida: Wasaaradda Maaliyadda oo ah hormuud-ka ka faa’iidaystayaasha mashruuca iyo sidoo kale Wasaaraddaha kala ah: Wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare iyo Wasaaradda Caafimaadka.

Mashruuca SERP waxa uu taageeri doonaa meelaha muhiimka ah ee kor u qaadaya dhaqaalaha dalka. Waxa uu diiradda saarayaa tayeynta maamulka maaliyadda dowladda federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, waxa uu sidoo kale kor u qaadi doonaa abaabulka iyo horumarinta dakhliga gudaha, xoojinta maamulka waaxyaha kala duwan ee dowladda, iyo isku dhafka hababka maamulka.

Daah-furka mashruuca SERP waxaa xigi doona shir farsamo oo heerkiisu sareeyo oo lagu wado in uu qabsoomo isbuuca soo socda waxaana lagu falanqeyn doonaa sidii uu u qabsoomi lahaa mashruuca iyo saameynta uu ku yeelan doono guud ahaan Soomaaliya.

Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowlad Goboleedka Jubaland waxa ay ku rajo weyntahay in mashruucan uu noqdo mid hufan oo miro dhal ah, kaas oo ballan qaadaya in uu isbadal wanaagsan ku samayn doono maamulka kheyraadka dadweynaha ee Soomaaliya.

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,

Facebook: https://www.facebook.com/mofjubaland
Twitter: https://twitter.com/mofjubaland
http://Jubbalandmof.so


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading