Maxaa Abiy ku qaaday in uu SL la galo heshiis Badeed?

Abiy,heshiiska Somaliland uu la galay waxa ugu weyn ee ku qaaday kuna kalifay in uu iska indho tiro xeerarka caalamiga ah iyo waaqiciga jira waa carro.

Xoguhu,waxay sheegayaan in uu si weyn uga carooday ka qaadistii Cunaqabataynta Hubka ee Somaliya.

Reer Galbeedka oo qaadista Cunaqabataynta Hubka iyagu fududeeyay,ayuu ku dhibaataynayay xadgudubka uu ka galay Madaxbanaanida Dhuleed ee Somaliya.

Reer Galbeedku,waxaa rabaan in ay Somaliya dajiyaan oo Dowlad ka dhigaan,iyagoo qorshayaal kala duwan kawata,taasina waxay culays ku noqotay Dowladaha dariska ah,gaar ahaan Itoobiya.

Horay,waxaa udhici jirtay in qaadista Cunaqabataynta Hubka Somaliya laga talo gelin jiray Dowladaha dariska ah,waana mida sababi jirtay in aan la qaadin.

Waxaa kaloo qaadista cunaqabataynta Hubka ee Somaliya saarnayd la socotay madaxbanaani Siyaasadeed oo ay heshay Dowlada Somaliya lagana hoos saaray Qaramada Midoobey.

 

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading